Donate Now
Somali Investigative Journalists

Somali Investigative Journalists

  • Home
  • About Us
    • Site links
    • Our Mission
    • Our Vision
  • News & Events
  • Reports
  • SOMIJ Alerts
  • Audio Programs
  • Video Updates
  • Membership
  • Donate
  • Contact Us

WORKSHOP ON INVESTIGATIVE JOURNALISM IN SOMALIA

0
Tuesday December 03, 2013 - 22:02:52 in News & Events by Super Admin
  • Visits: 3814
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WORKSHOP ON INVESTIGATIVE JOURNALISM IN SOMALIA

    Ururada Saxaafadda ee kala ah Isutaga Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ iyo Ururka Warbaahinta Danta Qaran (JONA) waxay maanta soo gebagebeeyeen siminaar muddo laba maalmood ah xarunta Muqdisho Media House uga socday saxafiyiin heer sare ah oo ka sha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus
    Share

Ururada Saxaafadda ee kala ah Isutaga Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ iyo Ururka Warbaahinta Danta Qaran (JONA) waxay maanta soo gebagebeeyeen siminaar muddo laba maalmood ah xarunta Muqdisho Media House uga socday saxafiyiin heer sare ah oo ka shaqeeya warbaahinta Maxalliga ah.

Siminaarkaas oo ay fulintiisa iska kaashadeen Somali Journalists for National Agenda (JONA) iyo Associated Somali Journalists (ASOJ), madasha lagu qabtayna ay laheyd MMHouse , wuxuu ujeeddkiisu ahaa in Saxafiyiinta, gaar ahaana barnaamij sameeyeyaasha la baro sida loo sameeyo wararka la dabo galo, ama dabagalka saxaafadda (INVESTIGATIVE JOURNALISM).

Seminaarkan waxaa casharo aad muhiim u ah oo loo riyaaqay ka bixiyey macalimiin xirfad u leh saxaafadda, khibradna u leh oo muddo ka soo shaqeeyey warbaahinta.

Sidoo kale waxaa seminaarkan lagu dhegeystay dukumintari ku saabsan dilka saxafiyiinta oo uu horey u diyaariyey ustaad Liibaan Cabdi Cali oo ka tirsan idaacadda Qaranka ee Radiyo Muqdisho iyo idaacadda codka Mareykanka ee Radio Sawa ee Luuqadda Carabiga.

Saxafiyiintu waxay is dareensiiyeen baahidda loo qabay in la qabto hawshan oo kale oo la baro saxafiyiinta sida loo dabo galo warka, loo soo xaqiijiyo, cadeymo loogu helo kaddibna bulshada loogu bandhigo.

Ugu dambeyntii waxay saxafiyiinta si wada jir ah u cambaareeyeen xariga iyo handadaada lagu hayo warbaahinta iyo saxafiyiinta wardoonka ah ee bulshada dhexdeeda warka ka soo raadiya.

Waxayna dowladda iyo kooxaha ka soo horjeedda ugu baaqeen qodobada soo socda.

1.Inay joojiyaan beegsiga saxafiyiinta nooc walba oo uu yahay.

2.In la tixgeliyo xaquuqda madaxbanaanida saxaafadda, taas oo ay ku jirto xuriyadda ah inay wardoonaan, helaan, hubiyaan, kana siidaayaan warbaahinta ay u shaqeeyaan si aan caqabad iyo is hortaag laheyn.

3.In saxaafadda madaxa banaan laga qaado culeysyada iyo handadaadda ay ku hayaan kooxaha qarsoon iyo kuwa muuqda ee aan raalliga ka aheyn saxaafadda madaxa banaan.

  • No Comments yet...

  • Print
  • Send to your friend


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


About SOMIJ

About SOMIJ
The Association for Investigative Journalism in Somalia (Somali Investigative Journalists) aims at encouraging reporters to utilize investigative Description 
Vereniging van Somalische Onderzoeksjournalisten
  • KVK 59298014  - PO Box 1079, 4801BB, Breda, Netherlands




More »»

Partners

  • Somalische Onderzoeksjournalisten SOMIJ

Like us on facebook

Members Area

Login | Forgot Pass | Register

Audio Programs

Songs of Somali Journalists killing - Hees tacadi

Tuesday December 03, 2013 - 22:15:47

More Audio Programs »»

Photo Gallery

  • Img Description
  • Img Description
  • Img Description
  • Img Description
  • Img Description
  • Img Description
  • Img Description
  • Img Description

Browse Our Complete Gallery »»

Copyright © 2013 - 2025 Somali Investigative Journalists All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc

Back to top ↑